torsdag 15. desember 2016

Maxad ka ogtahay gumaysiga Casriga ee Adunku Wajahayo (النظام العالمي الجديد)














"The New World Order, (النظام العالمي الجديد)" Gumaysiga casriga.

The new World Order'ku wa maxmiyad casriyeysan oo calamku wajahayo taas oo bedelaysa "Imperialism" ama xukunki is  gumaysiga. Hadi aan inyar oo kobona dib u milicsano tarikhda orahdan iyo goorta ay soo shacbaxday, waxa ladhihi kara weedhan marki hore waxa lo isticmali jiray, si ka duwan sida manta lo isticmalo, waxa kamida dadka isticmalay oraahdan, mufakirin badan oo isugu jira kuwo reer galbeed iyo kuwo kaleba. Kadib dagalki labad ee adunka marki quwadihii ku loolamayey  ay iksu so dhowaden, orahahdan waxa isticmalay mawadaxweyhnihi Ruushka  isaga oo uga gol laha in la galay wakhti cusub.Calamkuna u bahan yahy nidaam cusub oo kaduwan ki hore. Dalka maraykanka siyasiyintiisu waxa ay iska  ilaalin jireen isticmaalka  weedhan"The New World Order"  si taxadar ku jiro.  Hadaba wakhti hada laga joogo dhowr iyo labatan sano waa dagalki Golfka carabta  Gulf War (2 August 1990 – 28 February 1991),aya marki ugu horeysay waxa si toos ah  u isticmalay weedhan madaxweynihi Maraykanka George H.W. Bush.Waxi kadanbeyey wakhtigan  weedhani waxa ay noqotay mid aad saxaafadu ugu celceliso, ilaa ay ka gartay in loo so gabiyo NWO  sidi loogu celcelinayye.


Hadaba waxamay Nidaamkan cusubi?

The New World Order waa qaab cusub oo reer galbeedku rabaan in ay aduunka kula wergan oo maxmiyad cusub u geliyaan. Manta waxad Maqasha, UN(United nation), IMF(Internastional Monetray Found) iyo kuwo kale oo badan oo looga taliyo inta ducafaada. Hadaba hay'a-dahani  waxa ay ushaqeeyan systemka NWO.  Waxayna fuliyaan kaliya waxi reer galbeedku u dhiibo, manta nin ay ka qarsoon tahy majiro, oo  qofkasta wa arka dulimiga iyo dhagarta ay maleegayan, lakin awood ka hadli karta majirto. Adunka waxa manta u taliya groupyo yar yar oo qarsoon. Wali hadadan  maqlin Bilderberg_Group ama Council_on_Foreign_Relations. Hoos ka akhriso waxa ay qabtan. Hadaba danaha groupyadani waa kuwo aan qarsoon, oo habayaratee waxba debeda uga soo bixin.  Waxana xumino ka  ah  siyaasiyin, boqoro,Madax warbaahin, maalqameeno reer galbeed ah. Waxa ayna  yeeshan shir 4 ti sano  hal mar wadanka Nederland, waxana loga xajooda New World order ka. Shirararkan warbaahinta laga qaybgesho waxa ay racaan sharuuc iyo qaab dhismeed aad u adag, awoodna uma laha in ay faafiyan wax kasta, kaliya waxal oo loo dhibo ayey shegan.Wana sidan  sida ay aduunka raban in ay ku maquniyan. Dadka fahma dhagartan ay malegayan, ama loo arko in ay hujuum ku yihin danahoda, waxa laga sara groupka iyada oo maskaxiyan lo dhawacayo"psychiatry" ama waba la kharijiyaa, sida mufakiriin badan ay manta suaal ugeliyaan qaraxi 9/11 ee  lagu shabadeyey muslimiinta.

Qaab noce ah ayey raban in ay dunida qu qabsadan.

Dadka aadka u falanqeeya oraahdan "NWO" waxa lagu macneeya wa qaab dhismeed ay reer galbeedku raban in ay  caalamka KA dhisAan hal dowlad"Totalitarian Global Government"  iyaga ka amarqaadata. Si hadaba howshaas loo fuliyo waxa lasamaystay sidan horay ku so xusay, hay'ado caalemi ah oo howshan si hoose u fuliya, lakin in badan dadka ay ku baraarugsanayn. Hay'dahan iyo inta la hilmaanta waxa ay  qalalase siyaasadeed gelinayaan wadan alle wadanka ay u arkaan inn u danahooda ka hor imanayo. Waxa ayna ka dhex abuurayan"opposition" Mucaarad  systemka iyo kala danbaynta wadankaas ka hor yimada. Kadibna waxa mesha laga saaraya xiriirka shcabkaas iyo dowlada ka dhaxaysa. Dadka aya laga horkeenya dowlada mesha ka arimisa, ugu danbayna marki qalalasuhu bato, oo xaladu  faraha  ka baxdo, aya waxa shir isugu imanaya madax weynta rer galbeedka kuwaas oo qaraar ka kugaraya in  loo diro wadankas  ciidamo calami ah oo ka socda UN, ama NATO. Cidamadani wadanka ay galaan wa habeenki xalay oo tegay in ay kaso baxan. Waxana halkaas  ku  maqaarsaran dowlada gacan ku rimis ah oo ay iyagu horboodayan.Manta taasi  nina daah kama sarana wayo waan aragnay inta wadan ay saas ku galen oo ay kamid tahay, Iraq, Afganistan,Libia,etc.

Dadka duniga kunool waxa lagu qiyaasa in uu kor u dhafay 7 billion, qorshaha ugu degsan NWO waa in la garsiiyo dadka duniga korkeeda kunool qiyaas 2billion qof, bartitaano lasameeyey aya shegaya in dadka badankis loo adegsan dono daawoyinka, iyo qalabyo kale oo casri ah, sido kale waxa ay adeegsan donan siyasada dabargoynta ilmaha, iyaga oo u ogolanaya  in dumarka ayna dhalin wax ka badan 2. Taasna manta waxa cadayn kugu filan in wadanka China uu isticmalo, in aaduunka lagu so rogona ay wax saas u wayn ahayn. Fadalan hadi aad u bahan tahy, xog dheer isku day in aad akhridid, xoga internetka ku jira iyo bugagta qarsoon ee xogahan xaasiga  wax ka qora. Waxan ku so gabagaynaya maqalkaygan kagaban, waxa lo socda wa sidi calamka islamka loo gumaysan lahha. Lakin somalidu waxay dhehda, lax walaba shilalaka ay dhigta lagu gowracaa. Manta calamul Islami isaga aya halka is dhigay, carbi iyada ooo qamis dheer bay shalay, Sadaam Husein galada ku dawaneyeen, sido kale Muamer Al qadafi, marka manta iyaga aya aya laga tashan oo wa arki rer galbeedka xero ugu jira.


Fadlan booga-David Rockefeller
https://www.youtube.com/watch?v=NHGm49hhOmw
Dokumentfilm:
https://www.youtube.com/watch?v=pLlwpZQrQUU&t=291s


Salam aleikum wa walakin
MohaFadil.



Ingen kommentarer:

Legg inn en kommentar